Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ay Al-Shabaab kula dagaallamaan degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Maxamed Xasan Nuur ayaa sheegay in ciidamadaan loogu tala galay in ay dagaal la galaan dagaalyahanada Al-Shabaab eek u sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo.
Waxaa uu sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo si gaar ah u tababar, waxaana uu sheegay in la fulinaayo Amarkii Madaxda dalka ee ahaa in la qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Hadalka kasoo baxay Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli Qeybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo ay soo galeen ciidamo tiro badan oo ka socda dowladda Itoobiya.


