Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo soo hadal qaaday shirka 28-ka bishan magaalada Muqdisho uga furmaya Madaxda Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay gogosha uu fidiyey Madaxweynaha in aysan aheyn gogol la fidiyey keliya wada hadal, balse looga hadli doono wax walbo oo Dowladd Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka kala tabanayaan.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay shirkan in looga hadli doono in Madaxda Federaalka iyo Dowladd goboleedyada marka ay isugu yimaadaan ay ka tashadaan dalka sidii loo xoreyn lahaa.
“Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegaya in kuligeen uu inaga dhexeeyo hal dal oo la yiraahdo Soomaaliya, dalkale oo noo bedeli doona dalkan ma jiro, Dalkan waa dalka keliya ee ay tahay inaan ku wada noolaano, caruurta xaqa inoogu leh inaan u sameyno mustaqbal kan anagu aan heysano ka duwana, ay tahay inaan u dhisno mustaqbalka.” Ayuu yiri Khayre.
Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa sameystay Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada,waxaana Golahaasi oo Todobaadkan soo saaray war-murtiyeed kulul ay Dowladda u jeediyeen eedeyn kulul.



