Booliska Somaliland oo heegan la geliyay

Hargeysa-RisaalaFM- Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, ayaa waxaa si habsami leh uga socda ololaha doorashada Madaxtinimada Somaliland, iyadoo xisbiyada ay sameynayaan olole xoogan.

Magaaloyinka Burco, Hargaysa, Boorame Iyo Ceerigaabo ayaa ka mid ah meelaha sida  wayn ay uga socdaan ololaha doorashada, waxaana Magaalooyinka lagu kala arkayaa taageerayaasha xisbyada Wadani iyo Kulmiye oo ah labada xisbi ugu cad cad doorashada.

Xisbiga Saddexaad oo ah UCID, hoggaankana uu u haayo Faysal Cali waraabe ayaa gaabis ah marka la eego ololaha doorashada iyo sameynta uu ku leeyahay doorashada.

Labada Musharax ee kala ah C/raxmaan Ciro iyo Muuse Biixi ayaa loolankii ugu adkaa uu dhexmari doonaa marka la gaaro doorashada dhaceysa.

Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa heegan buuxa la geliyay, waxaana magaalooyinka waa weyn la soo dhigay ciidamo aad u badan oo ilaalinaya xasiloniada ololaha doorashada.