DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo qaaday isbaarooyin yaalay gobolka Bay

Howlgalkan oo ay hogaaminayeen Wasiirada hub ka dhigista tababarada maleeshiyaadka maaliyada, gaadiidka iyo laamaha amaanka ayaa waxa ay kula dagaalamayeen isbaarooyinka yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Buur-hakaba iyo Beydhabo ee gobolka Bay.

Waxaana howlgalka si wadajir ah uga qeyb qaadaneyey ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda dhexe.

Wafdiga oo ay muhiimadiisa ay ahayd u kuur galida amaanka labadaasi magaalo.

Wasiirka hub ka dhigista iyo tababarada maleeshiyaadka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka warbixiyay.

Wasiirka maaliyada maamulka Koonfur Galbeed ahna gudoomiyaha gudiga amaanka ayaa waxa uu sheegay in degmada Buur-hakaba ay ku soo arkeen xaalada aad u liidata.