Qaar ka mid ah odayaasha ku dhaqan deegaano ka tirsan gobolka Sool ayaa sheegaya in deegaanadaasi ay ka jirto dhibaatooyin xoogan oo dhanka nolosha ah.
Waxaana ka mid ah abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada ku nool deegaano ka tirsan gobolka Sool.
Odayaasha ayaa sheegay in hada abaarta ay kaga darantahay colaad xoogan oo ka jirta deegaano ka mid ah gobolkaasi, maadaama ay sheegeen in halkaasi ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Khaatumo iyo Soomaaliland.
Waxay codsi ujeediyeen maamulada kala duwan ee dalka ka jira iyo beesha caalamka, iyagoo ka codsaday in loo gar gaaro dadka ku dhaqan deegaanada Sool.


