Maamulka Jabhadda Muslimiinta Rohingya ee ka dagaallanta gudaha dalka Myanmar ayaa markii ugu horreysay shaacisay xabbad joojin dhaqangalaysa Axada maanta ah, si gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadka Muslimiinta ah ee dhibaateysan.
Waxa ay sheegeen in sababta ay dagaalka u joojiyeen in ay tahay dhibaatada haysata dadkooda iyo sidoo kale in aysan haysanin taageero ay kaga hortagikaraan weerarada Ciidamada Burma.
Arakan Rohingya Salvation Arm ayaa lagu magacaabaa Jabhadda dagaalka joojisay.
Wakaaladda Jabhaddaasi ayaa todobaad ka hor weerar ku qaaday ilaa 30 saldhig oo ay leeyihiin booliska iyo milateriga Myanmar.
Waxaa aad u kordhay dadka muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dalka Myamar, waxayna gaareen illaa 270,000 qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.



