Maamulka Somaliland ayaa war kasoo saaray Xasuuqa lagu haayo Maslimiinta kunool dalka Myanmar ee Rohingya .
War kasoo baxay Somaliland oo ku qornaa Luqadda Engliish-ka ayaa lagu cambaareeyay Xasuuqaasi ,Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in ay aad uga xun yihiin qaabka bina’aadanimada ka baxsan ee ciidamada ammaanka ee xukuumada Myanmar ay ula dhaqmayaan bulshada Rohingya.
Somaliland ayaa ugu baaqday dowladda Myanmar in ay joojiso rabshadaha arxan darada ah iyo isir sifeynta lagula kacay dadka rayidka ah islamarkana loo ogolaado in kaalmada bina’aadanimo ay gaarto dadka u baahan.
Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) Madaxweynaha Somaliland oo ku saxiixnaa Warsaxafadeedka ayaa ugu baaqay beesha caalamka gaar ahaan qaramada midoobey in ay qaadaan tillaabo lagu joojinayo ololaha xasuuqa ee ka dhanka ah dadka Rohingya .
Waxaa aad u kordhay dadka muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dalka Myamar, waxayna gaareen illaa 270,000 qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.


