Wararka Saaka naga soo gaaraya degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamo ka tirsan maamulka Ahlusunna iyo dhalinyarada degaanka.
Ahlusunna oo dhawaan laga saaray degaanka Xeraale ayaa shalay ciidamo badan geysay duleedka degaankaasi.
Degaanka Xeraale ayaa maalmihii lasoo dhaafay ay xaaladiiso daganeyd ka dib markii Ahlusunna laga qabsaday degaankaasi, islamarkaana ay la wareegeen dhalinyarada degaanka.
Dadkii ka barakacay degaanka Xeraale ee maalmihii lasoo dhaafay dib ugu laabtay ayaa Saakay Markale Barakac billaabay ka dib markii ay maqleen duulaanka Ahlusunna.



