Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda Mareykanka ee ka howlgalla Qaaradda Afrika ayaa ka digay in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay kabaxaan Soomaaliya, sanadyadda soo socda.
Waxaa uu sheegay in qatartii ciidamada AMISOM loo keenay Soomaaliya ay wali taagan tahay ,islamarkaana hadii ay AMISOM ay baxdo Soomaaliya ay ka dhalankarto Qataro badan oo amni.
Waxaa uu xusay in ka bixista AMISOM ee sanadyadda soo socda ay horseedkarto Caqabad iyo dib u laabasho soo wajahda Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu sheegay in Al-shabaab aysan dooneynin Gobolku xasilo sidaas darteedna loo baahanyahay in culeyska iyo cadaadiska hadda saaran uu ku sii socdo sida uu hadalka u dhigay.
Sarkaalkaasi ayaa sidoo kale tilmaamay in dadaalkii AMISOM ee 10-kii sano ee lasoo dhaafay socday loo baahan yahay in uu sanado kasii socdo Soomaaliya, Maadaama aan wali laysku haleynkarin Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.
Ciidamo ka badan 20,000 kun oo Askari oo ka socda dalalka Afrika ayaa hadda ku sugan Soomaaliya.
Bishii March ee 2007-dii ayaa ciidamadii ugu horreeyey ee Amisom oo ka socday dalka Uganda ay soo galeen magaalada Muqdisho, waxaana kadib xigay ciidamo ka socday dalal ay ka mid yihiin Burundi, Sierra Leone, Kenya iyo Itoobiya.


