DHAGEYSO: Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir oo xilalkii laga qaaday+ Magacyada kuwa la magacaabay

Muqdisho-RisaalaFM- Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka ayaa waxaa caawa xilalkii looga qaaday illaa 15 ka mid Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir, waxaana la dhaafay Labo Guddoomiye oo keliya.

Labada Guddoomiye la reebay ayaa kala ah Guddoomiyaha Degmada Kaxda iyo Guddoomiyaha Degmada Hilliwaa.

15-kii Guddoomiye ee xillalkii laga qaaday ayaa waxaa lagu bedelay Guddoomiyeyaal cusub.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u aqriyay Magacyada Guddoomiyeyaasha cusub ee la magacaabay.

MAGACYADA GUDDOOMIYEYAASHA LA MAGACAABAY

1.Degmada Shibis waxaa loo magacaabay Safiyo Cali Jimcaale/ horey waxaa u hayay Axmed Muumin Maxamed.

2.Degmada Hodan waxaa loo magacaabay Maxamed Axmed Maxamuud (Cantoobo)/ horey waxaa u hayay Axmed Salaad Ibraahim.

3.Degmada Yaaqshiid waxaa loo magacaabay Axmed Xasan Maxamuud / horey waxaa u hayay Cusmaan Maxamuud Cadaawe.

4.Degmada Wadajir waxaa loo magacaabay Cumar C/laahi Xasan/ horey waxaa u hayay Axmed Cabdulle Afrax.

5.Degmada Howlwadaag waxaa loo magacaabay C/kariin Cali Cabdi (Kaar)/ horey waxaa u hayay Ciise Maxamuud Guurre.

6. Degmada Kaaraan waxaa loo magacaabay C/fataax Nuur Cali (Yaanyo)/ horey waxaa u hayay Cumar Meyre Macow.

7.Degmada Dayniile waxaa loo magacaabay C/wali Nuur Faarax/ horey waxaa u hayay Axmed Nuur Cabdi Siyaad.

8.Degmada C/casiis waxaa loo magacaabay Sharmaarke Maxamed Ladane/ horey waxaa u hayay Cusmaan Muxudiin Cali Cariif.

9.Degmada Dharkeynley waxaa loo magacaabay C/raxmaan Siid Cali Xuseen/ horey waxaa u hayay C/fataax Nuur Cali (Yaanyo).

10.Degmada Shangaani waxaa loo magacaabay Basmo Cumar Axmed/ horey waxaa u hayay C/qaadir Maxamed C/qaadir

11.Degmada Xamar Weyne waxaa loo magacaabay Cumar Shariif Maye/ horey waxaa u hayay Saciid C/qaadir Saciid.

12.Degmada Xamar Jajab waxaa loo magacaabay C/wali C/laahi Maxamed/ horey waxaa u hayay Axmed Cusmaan Dhoore.

13.Degmada Waabari waxaa loo magacaabay Rowdo C/laahi Colaad/ horey waxaa u hayay Xuseen Axmed Culusow.

14.Degmada Boondheere waxaa loo magacaabay Zainab Yuusuf Wehliye/ horey waxaa u hayay Qaasim C/laahi Xasan (Dheere).

15.Degmada Warta-nabada waxaa loo magacaabay Zainab Maxamuud Warasame/ horey waxaa u hayay Yaasiin Nuur Ciise.