Boosaaso-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo caawa ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntlnad.
Qaraxan oo ahaa mid Ismaamiidin ah ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay nawaaxiga xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso, sida ay soo sheegayaan wariyeyaasha halkaasi ku sugan.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gen. C/xakiin ayaa waxa uu sheegay Qaraxan in ay ku dhinteen ilaa 4 Qof, oo Labo ka mid ah ahaayeen Dhalinyaro, halka ay ku dhaawacmeen dad ku dhow 9 Qof.
Dadkii ku dhaawacmay Qaraxan ayaa waxaa loola cararay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Boosaaso, si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.
Ciidanka ammaanka oo gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay xireen afarta jiho ee goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano la xiriira Qaraxan.


