Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo bilaabatay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maanta halkaasi ay ka bilaabatay hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa dhageysanaya Khudbadaha ay jeedinayaan musharaxiinta si ay u doortaan midka ay ku qancaan.

Ilaa iyo Saddex Musharax ayaa ku tartamaya xilka Madaxtinimada maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa lagu waddaa Saddexda Bishaan in ay doortaan Madaxweyne Cusub.