Dowladda Indonesia ayaa xabsiga dhigtay 8 qof oo Soomaali ah kuwaa soo ay sheegtay in doonayeen si sharci daro in ay kusoo galaan dalkaasi.
Dadkaan ayaa la qabtay xeebaha dalka Indonesia waxaana ay saarnaayeen dooni yar oo la sheegay in kasoo baxday dalka Malaysia.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada badda dowladda Indonesia ayaa warbaahinta u sheegay in Sharciga la marsiin doono dadkaasi Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay jiraan mukhalasiin dadkaasi soo marin habaabiyay.
Agung Sampurno Madaxa xiriirka dadweynaha laanta socdaalka ee Indonesia ayaa dhankiisa sheegay in dadkaasi oo isku dayay in ay ka baxsadaan Ciidamada Ammaanka in lasoo qabtay.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay dadkaasi in ay wateen sharciyadda ay bixiso hay’adda UNHCNR.



