Shirka London oo xoogga lagu saari doono Ammaanka

Sida ay shaacisay Qaramada Midoobey Shirka ka dhacaya Magaalada London ee dalka Uk, waxaa diirada lagu saari doono sidii loo xaqiijin lahaa Ammaanka Soomaaliya.

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,Michel Keating oo ka hadlayay Arimaha Shirka lagu qaban doono London ayaa waxaa uu sheegay in tilaabooyinka ugu weyn ay yihiin sidii Ammmaanka loo suggi lahaa.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Shirka Londan uu yahay mid looga hadlaayo sidii Soomaaliya ay u sameyn laheyd , isbadel dhab ah.

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,Michel Keating ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in shirka lagu xoojin doono wada shaqeynta ka dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dowladaha Caalamka.

Magaalada London 11-ka bisha May waxaa ka furmi doono Shir weyne ay ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed,islamarkaana looga hadlaayo xaaladda Soomaaliya.

Dowladda UK ayaa dhowr jeer marti gelisay Shirar nuucaan oo kale ah oo looga hadlaayo Soomaaliya.