Shirka Wasiirada Beeraha Jaamacadda Carabta ayaa lagu waddaa in uu ka furmo Magaalada Khartum ee dalka Sudaan waxaana ka qeyb galaya Wasiirka wasaaradda Beeraha ee dowaladda fadaraalka ee Soomaaliya Md: Saciid Xuseen Ciid.
Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Suudaan,waxaana lagu waddaa khudbad uu kaga hadlaayo dhanka wax soo saarka Beeraha Soomaaliya in uu shirka ka jeediyo.
Shirkaana ayaa sanadkaan waxaa diirada lagu saaraya sida loo horumarinkaro Beeraha ku yaalla dalalka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Wasiirada Beeraha ee dalalka Jaamacadda carabta ay doortaan Gudoomiye cusub.



