Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay furista Wadooyinka Al-Shabaab go’doomiyeen.
Shariif Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya ay kaalin weyn ka qaadato sidii loo furi lahaa Wadooyinka Xiran, maadaam Shacabku ay dhibaato weyn ku qabaan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in sameyn doonaan qorshayaal lagu furaayo wadooyinkaasi maadaam Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ay ka go’een in ay maraan dhulka.
Al-Shabaab ayaa go’doomiyay Wadooyin badan oo ku yaalla degaanada maamulka Koonfur Galbeed.


