Muqdisho-RisaalaFM- Diyaarad siday Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Ambassador Thaabit Cabdi Maxamed ayaa goor dhow waxa ay ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee halkaasi ku sugan.
Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa saakay Diyaarad gaar ah waxa uu ka soo raacay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, isaga oo markii hore ka yimid dalka Mareykanka.
Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowladda, Saraakiisha amaanka ee Gobolka, ururka Haweenka iyo Masuuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Guddoomiyaha cusub.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa xaflad soo dhaweyn ah hada loogu sameynayaa mid ka mid ah Hoteelada ku yaalla Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu saxaafada kula hadli doono.
6-dii Bishan April ayaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi (Farmaajo) waxa uu Ambassador Thaabid Cabdi Maxamed u Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.



