Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa toogtay labo qof oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen Kooxaha Burcada ah ee dhibaatada u geysta dalka kunool Magaalada Noirobi.
Labada qof ee ay toogteen Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen Kooxaha loo yaqaano Super Power.
Mid ka mid ah labadaasi qof waa Soomaali , halka midkalena uu yahay Oromo sida ay Risaala u xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen.
Ciidamada loo yaqaan Flying Squad ee qaabka dharcadka u hawlgala ayaa bartamaha xaafadda Islii, gaar ahaan wadada u dhaxeysa Suuqa 1-aad ee Islii, suuqyada Amal iyo Taysir, waxa ay ku toogteen labadaasi ruux.


