Kooxda Arsenal ayaa la ogaanayaa iney daawaneyso kulan walba oo uu xili ciyaareedkan ciyaaray da’yarka kooxda Ajax Riechedly Bazoer.
19 Jirkaan ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay iney kaliya hal dhibic oo horyaalka ah ay ka hooseeyaan naadiga PSV.
Hase ahaatee Arsenal ayaa loolan xoogan kala kulmeysa kooxaha Chelsea iyo Barcelona kuwaas oo doonaya da’yarkaan qadka dhexe ka ciyaara.
Wargeyska AjaxDaily, ayaa sheegaya in wakiilada Arsenal ay daawadaan kulan walba oo uu kasoo muuqdo da’yarkaan Bazoer.
Warkan oo lasoo dhigay Bogga twitter-ka ayaa lagu yiri: ‘Wakiilada Arsenal ayaa daawanayay kulan walba oo uu ciyaarayay Bazoer bilahaan.’


