Tababare Conte oo Saxiixyo lama filaan ah sameyn doono

Tababare Antonio Conte ayaa isha ku haya inuu lasoo saxiixdo ciyaaryahanka amaahda uga maqan Sunderland Emanuele Giaccherini sidaas waxaa sheegtay saxaafada Italy.

Macalinkan ku dhow shaqada Chelsea ayaa doonaya in garabkan uu soo xera galiyo xili ciyaareedka danbe sidaas waxaa lagu qoray TuttoMercatoWeb.

Warar kale ayaa sheegaya in 24 jirka weerarka uga ciyaara Juventus ee Simone Zaza uu sidoo kale kamid yahay qorshaha Conte ee marka uu yimaado Stamford Bridge.

Giaccherini ayaa kaliya usaftay 11 kulan kooxda Sunderland xili ciyaareedkii, isagoo amaah ku aaday naadiga Bologna bishii August. 30-jirkaan ayaana ahaa saxiixa macalin Conte ee Juventus sanadkii 2011, Si kastaba 19 kulan ayuu lix gool ku dhaliyay horyaalka Italy xili ciyaareedkan.

Zaza, ayaa kooxda Juventus uciyaaray 444 daqiiqo oo kaliya xili ciyaareedkan, isagoo ku hoos dhibtoonaya  macalin Massimiliano Allegri.

Si kastaba, tababaraha qaranka Italy ayaa doonaya inuu dhiig cusub ku abuuro kooxda CHELSEA ee sanadkan difaacan weysay horyaalka Ingiriiska.