DHAGEYSO: Dowladda oo ka digtay qalqal gelinta amniga Dalka

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya  Maxamed Aadan Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in Dalka la geliyo Xaalad qatar ah oo dhanka amniga ah.

Waxa uu xusay in loo baahan yahay in laga fogaado wax walbo oo amniga lidi ku ah, islamarkaana Halis ku ah Bulshada Soomaaliyeed.

Waxa u Saraakiisha Ciidanka Dowlada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii amaanka guud ee Dalka uu u noqon lahaa mid la isku haleeyo oo aysan u dhicin xaalad amni xumo.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada.