Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Shirkada biyaha ka shaqeeya ugu baaqay in aysan biyaha lacag ka siin dadka ku soo Barakacay Muqdisho.
Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Shirkaddaha biyaha Bixiya in ay iska xil saaraan sidii ay dadkaasi biyo ku siin lahaayeen.
Waxa uu sheegay in dadka Muqdisho ku soo Barakacay ay u baahan yihiin taageero iyo gurmad joogta ah isla markaana aan loo baahneyn in biyaha ay Cabayaan lacag laga siiyo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu mar walbo la soconayo Xaalada guud ee qoysaska danyarta ah ee ku soo Barakacay Muqdisho.



