Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen 4 Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Kenya ka dib Markii ay Qarax la eegteen Kolonyo ka tirsan ciidanka dalka Kenya.
Qaraxan ayaa ahaa Miinada dhulka lagu aaso waxaana lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya, xilli ay marayeen gudaha Degmada sida sheegteen Al-Shabaab.
Dhanka kale Saraakiil u hadashay ciidanka Kenya ayaa xaqiijisay geerida 1 askari iyo dhaawaca 5 kale oo dhamaantood ka tirsan ciidamada Kenya, kuwaasi oo saarnaa gaariga qaraxa miinada ah lala eegtay.
Qaraxan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa sidoo kale waxa uu bur bur soo gaarsiiyay gaarigii ku qaraxday Miinada oo ahaa nooca ay raacaan ciidamada Booliska dalka Kenya.
Ciidamada Kenya ayaa weeraro iyo qaraxyo sidan oo kale ah kala kulma dagaalyahannada Al-Shabaab, wixii ka dambeeyay markii ciidanka Kenya gudaha Somaliya soo galeen 2011.



