Daawo Sawirada Dagaal Qaraar oo ka dhacay Magaalada Mosul

Dagaal aad u kulul ayaa wuxuu galbeedka Mosil ku dhex maray xoogagga xukuumadda Ciraaq iyo mintidiinta dawladda Islaamka.

Mid ka mid ah taliyeyaasha ciidamada Ciraaq ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in dagaalku uu ahaa kii ugu cuslaa, tan iyo markii la billaabay hawlgalka dib loogu qabsanayo qaybta galbeed ee magaaladaasi labo toddobaad ka hor.

Ciidanka Ciraaq oo ay dusha ka taageerayaan dayaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa ku durkay oo dhowr boqol oo mitir u jirsaday dhismayaasha xukuumadda ee u dhow magaalada qadiimiga ah.

bak9 bak7 bak6 bak4 bak3