Gaarisa-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Saddex Qof oo xalay saqdii dhexe lagu dilay Magaalada Gaarisa Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya, sida ay sheegeen Booliska Magaaladaasi ku sugan
Kooxo ku hubeysan Mindiyo iyo Hub ayaa waxa ay dil Magaalada Gaarisa ugu geysteen Saddex Qof, kuwaasi oo ka shaqeynayay Hotel ku yaalla Magaalada Gaarisa oo lagu magacaabo Iqlaas.
Dableydii weerarka geysatay ayaa goobta isaga baxsatay, iyaga oo aan dhibaato kale geysan, waxaana durbadiiba goobta soo gaaray Ciidamada Booliska Magaalada Gaarisa, kuwaasi oo sheegay in ay ku raad joogaan raggan.
Booliska oo aan sheegin weli magacyada dadkan la dilay ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen baaritaanada marka ay soo idlaadaan in warbaahinta faah faahin ka siin doonaan dilalkan, iyo qaabka ay u dhaceen.


