Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay xaalada Abaarta ee ka jirta Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in kumanaan ruux oo Soomaali ah ay noloshooda khatar ku jirto.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Geelle marka la eego Abaarta hada jirta iyo xaaladaha khatarta ee laga sii digayo ay tahay arrin halis ah, isagoo wadamada Gobolka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan Abaarta.
Madaxweyne Geelle waxa uu sheegay wararka ka soo baxaya xaalada Abaarta Soomaaliya in ay tahay warar aanan fiicneyn, marka la eego xaalada ka sii dareyso iyo sida kumanaan ruux oo Soomaali ah ay noloshooda khatar ugu jirto.
Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’adaheeda gar gaarka ayaa waxa ay sheegeen dad ka badan 5 Milyan oo Qof in ay wajahayaan xaalad cunto yari ah, loona baahan yahay dadkaasi in la badbaadiyo.


