Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa maanta yeeshay kulankooda Axadlaha ahaa, kaas oo dhaca Todobaadkasta maalinka Axada.
Kulanka oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, Doorashooyinka, kufsiga, iyo waxyaabo kale.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay kulanka qodobka ugu weyn ee looga hadlay in uu ahaa, sidii Degmooyinka looga sameyn lahaa Ceelbiyoodyo, si marka uu Dab kaco biyo looga soo dhaansado.
Sidoo kale C/fataax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay kulanka in looga hadlay xaalada amniga iyo xilliyada Doorashada, isagoo sheegay Shabaab in aysan dooneyn in Dalka ay ka dhacaan Doorashooyin.
Ugu dambeyntii Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka ammaanka, si looga hortago weerarada Shabaab.


