DHAGEYSO: K/Galbeed “Shabaab Hub ayaan ka furanay”

Baydhabo-RisaalaFM- Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen (Eelaay) ayaa u sheegay warbaahinta Dagaal ka dhacay Degaanio ka tirsan koonfur Galbeed in Ciidankooda ay ku dileen rag ka tirsan Shabaab.

Xasan Xuseen (Eelaay) Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ma uusan cayimin tirada ay ka dileen Shabaab.

Sidoo kale Wasiir Xasan ayaa sheegay Dagaalkaas in ay Shabaab kaga soo furteen Hub kala duwan, iminkana ay iyaga gacanta ku hayaan, isagoo sheegay in maanta aysan ugu horeyn Hub ay ka soo furtaan Shabaab.

Hadalka Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen (Eelaay) ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan Shabaa iyo Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Shabaab uu Dagaal ku dhexmaray Degaano ka tirsan Koonfur Galbeed.