African Union oo baaq kasoo saartay weerarkii Alshabaab ku qaadeen Ciidamada Kenya

Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika Haweeneyda lagu magacaabo Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa waxa ay ka hadashay weerarada Shabaab ay ka geystaan Soomaaliya, gaar ahaan midkii ugu dambeeyay ee Hoteelka Dayax ka dhacay.

Dlamini-Zuma ayaa sheegtay subaxnimadii hore ee Jimcihii ee shalay in Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya weerar ay Shabaab ku soo qaadeen ay iska difaaceen, maadaama Ciidanka ay xog badan ka hayeen weerarka.

Waxa ay sheegtay hadii ay yihiin Midowga Afrika in ay cambaareynayaan Qaraxaasi, iyadoo Ciidanka AMISOM ugu baaqday in ay xoojiyaan Dagaalka Shabaab lagula jiro, si Soomaaliya nabad looga dhigo.

Sidoo kale Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika ayaa Ciidamada AMISOM ka dalbatay in ay ka jawaabaan weerarkii Shabaab ay shalay aroortii hore ku qaadeen Degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Dagaalkii Kulbiyow in ay ku dileen 57 Askari oo Kenyan, halka Wasaarada Difaaca Dalka Kenya ay sheegtay in Dagaalkaasi ay ku dishay 70 Shabaab ah.