Howlgal ka socda Duleedka Qandala

Maamulka Puntland ee Somaliya ayaa ciidamo u diray deegaan ka tirsan Degmada Qandala ee Gobolka Bari,halkaas oo shalay gelinkii dambe lagu afduubtay tiro ka mid ah Ciidanka Puntland oo gaari rayid saaran yihiin la socday.

Ciidamada Puntland ayaa ku raad jooga halka lala aaday 4 ka mid ah 9-kii Askari ee lagala degay Gaariga iyada oo ay 5 ka mid ah Cagahooda ku baxsadeen.

Guddoomiyaha Degmada Qandala ee Gobolka Bari ,Shariif Maxamed Quurshe,ayaa sheegay in ay Saaka Ciidan u direen meel Qandala u jirta 35-KM si ay halkaas uga baadi goobaan askarta ku maqan Kooxda sheegtay in ay taabacsan tahay Daacish.

Rag hubeysan oo afka u duubnaa kana badan 50 ayaa Gaari waday 16 Qof oo ku sii jeeday Boosaaso jidka u galay,waxaana ay kala degeen sagaal ka mid ah Raggii saarnaa.

Mid ka mid ah Kooxda Askarta la degtay ayaa amray in dhamaan la toogto,waxaana markaas kaddib cararay 5 Askari oo uu Guddoomiyaha Qandala sheegay in ay Taleefan kala xiriireen,halka afartii kale ay ilaa hadda ku maqan yihiin Kooxda Gaariga kala degtay.

Daacish ayaa howlgalo qorsheysan waxa ay ka fulisa deeganada Maamulka Puntland, gaar ahaan deeganada ku xeeran duleedyada Degmada Qandala.