Malaaq Macalin Cali Barre oo ka mid ahaa Odayaasha Golaha Dhaqanka Koonfur Galbeed, ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii ku geeriyooday Isbitaalka Baydhabo, ka dib markii uu daacuun ku dhacay.
Malaaq Macalin Cali Barre, ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii lagula cararay Isbitaalka Baydhabo, si wax looga qabto xaaladiisa caafimaad, iyadoo maalin ka dibna uu ugu geeriyooday cudurkii soo ritay.
Allaha u naxariistee Malaaq Macalin Cali Barre, ayaa hadda ahaa Ugaaska Beesha Jiroon ee Digil & Mirifle, waxaana uu ka mid ahaa Nabadoonada sida wayn looga garanaayo Deegaanada Koonfur Galbeed.
Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ka tacsiyadeysay geerida naxdinta leh ee ku timid Malaaq Macalin Cali Barre, iyagoona tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo weliba shacabka reer Koonfur Galbeed, oo uu ka baxay.
Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa Malaaqa ku tilmaamay tiir ka baxay Hogaanka Dhaqanka Koonfur Galbeed, waxaana ay Alle uga baryeen in janadiisa uu geeyo.
Malaaq Macalin Cali Barre, ayaa xubin ka ahaa Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka uu hadda waqtigiisu dhammaaday, sidoo kalana waxaa uu ka mid ahaa Odayaashii Koonfur Galbeed ee soo xushay ergada soo dooratay Xildhibaanada Labada Aqal, ee Koonfur Galbeed ku metelaya Baarlamaanka Somaliya.


