Italy-RisaalaFM- Dowladda Talyaaniga, gaar ahaan Dacwad oogayaasheeda ayaa soo dhameystiray Qoraal dheer, kaas oo muujinaya Tacadiyo uu geystay Cismaan Maxamuud oo ah 22-sano jir Soomaali ah.
Ninkan Soomaaliga ah ayaa horey loogu eedeeyay in uu la shaqeyn jiray Kooxaha dadka Tahriibiya, waxaana uu Talyaaniga ku soo galay qaab Qaxootinimo ah bilowgii bishii September ee sannadkii hore.
26-kii September ayaa lagu qabtay Xero ku taalla magaaladda Milan, kadib, markii ay aqoonsdeen dadkii Dhibanayaasha ee uu ku soo waxyeeleeyey gudaha dalka Libya, waxaana loo heystaa dilka 4 Tahriibayaal, Kufsi wadareed, Jir dil iyo Afduub.
Haween Soomaali ah ayaa u sheegay Baarayaasha Talyaaniga inuu kufsaday Eedeysanahaasi oo ka tirsanaa Kooxda Ma-gefayaasha Liibiya ee Tahriibayaasha ku tacdiya, sidoo kalena uu ku amray in ay bixiyaan Lacago Madax furasho ah.
Eedeysanaha ayaa la tilmaamay inuu dadka Tahriibayaasha ku dhibatayn jirey Xero ku taalla Degmadda Bani Waliid oo 100-mayl dhanka Koonfur Bari kaga toosan Caasimadda dalka Liibya ee Tripoli.
Qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ayaa waxa ay Eedeysanaha ku tilmaameen Arxan-laawe tacadiyo u geystay, iyadoo mid ka mid ah Qaxootiga tilmaamay inuu Baco Balaastiko ah dhabarka kaga dhalaalin jirey Qaxootiga.
Dhinaca kale, Madaxa Baarayaasha Dembiyadda ee magaalladda Milan ee dalka Talyaaniga, Ilda Boccassini ayaa waxa ay tilmaamay in Eedeysanahaasi hororka ah aqoonsadeen ugu yaraan 10 Markhaati oo kala duwan.
Cismaan Maxamuud oo haatan ku jira xabsiga Dambi baarista ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah oo Jimco ah la soo taago Maxkamadda, si loo weydiiyo su’aalo.


