Soomaali lagu xiray koonfurta Suudaan

Dowladda Koonfurta Sudan ayaa sheegtay in ay xirtay koox burcad ah oo kasoo kala jeeda dalalka Soomaaliya iyo Uganda ,kuwaa soo lagu eedeeyay in ay dhac geysteen bilowgii sanadka cusub ee 2017.

Hay’adaha ammaanka caasimadda Koonfurta Sudan ee Juba ayaa  qabtay koox ka mid ah 26 qof  oo looga shakisan yahay in ay  ku lug lahaayeen rag watay Gawaarida Muraayadaha Madow oo Habeenkii Sanadka cusub dhac ka geystay Koonfurta Sudan.

Santo Domic, Ku xigeenka afhayeenka  ciidamada  Booliska ee Juba, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay  xireen dadkaasi , ka dib howlgal balaaran oo ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Jubba.

Dadka la qabtay ayuu sheegay in ay kasoo kala jeedaan Soomaaliya iyo Uganda.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo soo taagi doono , islamarkaana sharciga la marsiin doono