Ugu yaraan 56 maxbuus, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay xabsi ku yaala Magaalada Manaus ee Gobolka Amazonas ee Wadanka Brazil, ka dib markii uu dagaal ka dhex dhacay laba kooxood, oo ku wada xiran xabsigaasi.
Dagaalkan oo bilowday gelinkii dambe ee Axadii, ayaa ka dhacay xabsiga Anisio Jobim, wuxuuna socday muddo 17 saacadood oo xiriir ah.
Saraakiisha xabsiga, ayaa sheegay in maxaabiista qaarkood la gowracay, iyadoo kuwo kalana la jar jaray, halka tiro dhawr ahna la gubay.
Sergio Fontes, Madaxa amniga ee Gobolka Amazonas, ayaa sheegay in burcad ka hawlgasha dibadda iyo gudaha xabsiga, ay isu deyday in ay la wareegto maamulka xabsiga.






