Dad Boorso lagu soo qariyay oo la qabtay

Booliska dalka Spain ayaa xiray laba qof oo u dhashay dalka Moroko, kuwaas oo lagu eedeeyay inay isku deyeen in ay dad si sharcidaro ah ku geliyaan dalkaasi.

Waxaa lagu qabtay ayagoo wado seddax qof oo labo ay ku qariyeen kuraasta gawaarida hoostooda iyo mid lagu xiray boorso.

Dadkaasi ayaa laga gudbinaayay dhanka Waqooyiga Afrika.

Booliska oo Isniintii isku deyay inay baaraan gaari, ayaa waxay ka heleen qof lagu qariyay muraayadda hoosteeda, qof kaloo la geliyay kursiga dambe hoostiisa oo gud laga dhigay.

Laba qof oo dumar iyo rag kala ahaa oo loo maleynaayo inay dalka Guinea kasoo jeedaan ayaa gargaar degdeg ah loo sameeyay, maadaama uu neefsiga ku yaraa.

Dhacdo taa ka duwan, wiil yar oo Afrikaan ah ayaa laga dhex helay boorso qof dumar ah ay lahayd. Dhacdo tan la mid ah ayaa la arkay 30-kii december.

Waxaa loo maleynayaa in wiilkan uu ka soo jeedo dalka Gabon, waxaana loo sameeyay daaweyn degdeg ah.