DHAGEYSO: Mas’uuliyiinta Puntland oo Amar cusub lagu soo rogay

Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland Cabdiqaadir Faarax Shire oo warbaahinta kula hadlay  Magaalada Garoowe  ayaa sheegay in waalidiinta kunool Magaalada Boosaaso looga baahan yahay in ay la socdaan waxyaabaha ay sameynayaan Caruurtooda.

Waxaana uu sheegay in Magaalooyinka Puntland ay kusoo bateen kooxo dhalinyaro ah oo dadka shacab ah habeenkii u geysanaya dhibaatooyin iyo sidoo kale dhac.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay tilaabo adag ay ka qaadi doonaan dhalinyaradaasi.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland cabdiqaadir Faarax Shire ayaa sheegay cid aan aheyn Madaxweynaha , gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa in aysan isticmaali karin Gawaarida Bacaha Madow.

Waxaa  uu sheegay in Guud ahaanba ay Mamnuuc ka yihiin degaanada maamulka Puntland Gawaarida Muraayada Madow.