Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka jiraan abaaro sameyn kuyeeshay dadka iyo duunyada kunool degaanada hoos yimaada degmada Bardaale.
Gudoomiyaha degmada Bardaale Weedow Cali Xasan la hadlay Xafiiska Idaacadda Risaala ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in degmada ay ka jirto xaalad adag oo dhanka nolasha ah .
Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Hay’adda Gargaarka in ay soo gargaaraan dadka ku dhibaateysan degmada Bardaale ee ay saameeyeen abaaraha ka jira degmada.
Qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay abaaro sameyn ku yeeshay dadka iyo Duunyada.


