Daawo Sawirada Ciidankii Galmudug ee lagu laayay Jeexdin oo Taallo loo dhisayo

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa bilaabay Dhismaha Taallo lagu xasuusan doono ciidankii Galmudug ee diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ku laayeen degaanka Jeexdin oo ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Dhismaha Talladaan ayaa waxaa dhagax dhigay maamulka degmada Gaalkacyo oo uu horkacaayay gudoomiyaha Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre .

Goobta Taallada laga dhagax dhigay ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa qurbo joog badan oo kasoo jeeda degaanada Maamulka Galmudug.

Sahro Daahir Mire oo ah Abwaanad Caan ah oo si weyn looga yaqaano Gayiga Soomaaliya ayaa ka dambeysay dhismaha Taalladaan .

Shacabka dowlad goboleedka Galmudug ayaa si weyn uga xumaaday Falkii lagu xasuuqay ciidankooda.

Dowladda Mareykanka ayaa duqeyntaasi qiratay waxaana ay ka bixisay Raali gelin , sidoo kale waxa ay balan qaaday in ay bixinayso Magdhow.

dsc09883 dsc09876 dsc09874 dsc09907 dsc09896bbbb dsc09892 dsc09886