Dagaal Culus oo xalay ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi uu dhacay dagaal  culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale  Al-Shabaab.

Dagaal ayaa la sheegaya in uu socday muddo saacado ah , waxaana  ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray labada dhinac ee dagaalku dhexmaray.

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Hoose wali Faafaahin kama bixin dagaalka xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Warar lagu daabacay Baraha taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal xoogan ay xalay ku qaadeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose , islamarkaana ay ku dileen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka degmada Qoryooley.