Hordhaca Kulanka Caawa Ee Manchester City vs Watford

Kulanka : Premier League

Saacadda Bariga Afrika: 11:00pm

Garoonka: Etihad Stadium

Xusuusta

Man City ayaan laga badin 4-tii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay kooxdda Watford ciyaaraha Premier League.

Watford ayaan hal shuut xitaa loo diiwaan galin kulankii ugu dambeyay ee Premier League ee labadaan koox ku dhex maray dhacay Etihad Stadium.

7-dii gool ee ugu dambeeyay ee labadaan koox iska dhaliyaan waxaa ay yimaadeen qeybtii labaad ee ciyaarta.

Watford waligeed ma badin kulan ka tirsan Premier League habeen Arbaco ah.

Man City ayaa badisay saddex jeer 7-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda ku ciyaarto.

Guardiola ayaa halmar oo qura la kulmay sadex  guul daro oo isku xigta waxaana ay aheyd bishii March 2015, waxaana uu ahaa  maamulaha Bayern Munich ,isagoo guul daro kala kulmay  Bayer 04 Leverkusen, FC Augsburg iyo Sport-Club Freiburg).