Dagaalka afarta sano ka socday magaalada Xalab ayaa u muuqda mid soo idlaaday, waxaana dadka degaanka ay sheegayaan in wax dagaal ah uusan dhicin tan iyo markii lagu dhawaaqay xabadjoojinta lagu ogolaanayay in dagaalyahanada fallaagada ah ay isaga baxaan magaalada.
Ruushka ayaa sheegay in howgalkii milatari ee magaaladaasi uu soo dhamaaday, haatana ay ciidamada dowladda Suuriya gacanta ku dhigeen goobihii ugu dambeeyay ee ay gacanta ku hayeen fallaagada.
Saacadaha soo socda waxaa la filayaa basas lagu daad gureeyo dadka dhaawaca ah, waxaana dagaalkii afarta sano halkaa ka socday ku dhintay dad aad u badan, halka qeybo badan oo ka mid ah bariga magaaladani dhulka lala simay.
Mar sii horeysayna, gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kullan deg-deg oo uu yeeshay kaga dooday dhibaatada Xalab, waxaana xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay , Ban Ki-moon uu xooggaga dowladda Suuriya ku eedeeyay in ay geysteen dilal ula kac ah.


