Muqdisho-RisaalaFM- Musharaxiinta qaar ee Madaxtinimada Soomaaliya ayaa hada bilaabay isbaheysi siyaasadeed, iyagoo hankooda uu yahay in ay mid un riixaan islamarkaana uu ku soo baxo Doorashada Soomaaliya.
Musharaxiinta ayaa doonaya kursiga Madaxtinimada Soomaaliya in markale uusan ku soo laaban Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo hada galaan gal siyaasadeed ugu jira sidii markale Afarta sano ee soo socota dalka hogaankiisa u qaban lahaa.
Isniintii kulan saacado badan qaatay waxa uu ka dhacay Hoyga Magaalada Garowe uu ka degan yahay C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo ah xubin ka tirsan Aqalka Sare, sidoo kalena horey u soo noqday Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland.
C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo siyaasad ahaan aad ugu kacsan Madaxweynaha iminka talada haya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ka dhacay Magaalada Garowe waxa uu la qaatay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ah Musharax doonaya xilka Madaxtinimada Soomaaliya iyo xildhibaan C/risaaq jurile oo isna ka tirsan Aqalka Sare.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya shirkaasi oo mudo ka badan Lix saac qaatay arrimhii looga hadlay in ay ugu waa weynaayeen, sidii loo gacan siin lahaa R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaana halkaasi ka dhashay isbaheysi siyaasadeed.
Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo mudooyinkii dambe waday olole ku aadan xilka Madaxtinimada Soomaaliya waxa uu safar ku tagay Magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu ka sheegay hadal xasaasiyada ku kiciyay Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo ahaa in dalka uu u baahan yahay isbedel hogaaneed.
Sida hada muuqata waxaa socda loolan adag oo ku aadan Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya oo maalmo un ay inaga xigaan, waxaana hada loolankaasi xoogiisa uu ka socda Magaalada Garowe oo hab Degaan ahaan ay ka soo jeedaan R/wasaaraha Soomaaliya iyo Musharaxiinta kale ee uu shalay shirka la qaatay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hada ku soo xaroonaya xildhibaanada cusub, waxaana Magaalada si xoog leh uga bilaaaban doona ololaha ku aadan Madaxtinimada Soomaaliya, inkastoo arrintu ay tahay siyaasad.


