Doorashada Xildhibaanada gobollada Waqooyi oo maalimihii lasoo dhaafay ka socotay magaalada Muqdisho ayaa Saaka markale lagu wadaa in ay ka dhacdo Muqdisho.
Doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi ayaa sida uu qorshuhu yahay waxaa lasoo gabagabeyn doonaa maalmaha Soo socda.
Xildhibaanada Aqalka Hoose ee laga rabo in ay ka yimaadaan gobolada Waqooyi ayaa Tiradoodo dhan tahay 46 Mudane, waxaana hadda la doortay 19 Mudane , halka ay dhaman yihiin 27 mudane.
Sidoo kale Todobaadka Soo socda ayaa lagu wadaa in ay bilaabato doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee ka imaanaya degaanada Somaliland.


