Kursigii ugu dambeeyay oo caawa lagu doortay Garowe

Garowe-RisaalaFM- Magaalada Garowe ee caasimada Maamulka Puntland caawa waxaa lagu soo gaba gabeeyay Doorashooyinkii Aqalka Hoose oo mudo ka badan bil ka socday Magaaladaasi.

Kursigii ugu dambeeyay ayaa waxaa ku tartamay Ikraan Yuusuf Xirsi iyo Ayaan Cali Ismaaciil, waxaana guuleysatay Ikraan Yuusuf Xirsi oo heshay 32, halka Ayaan Cali Ismaaciil ay heshay 19 cod.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland ayaa sheegay gabi ahaan in la soo gaba gabeeyay Doorashooyinkii Aqalka Hoose ee ka socday Magaalada Garowe.

37 xildhibaan ayaa lagu doortay Magaalada Garowe ee caasimada Maamulka Puntland, waxaana Maamulka Puntland uu noqonayaa Maamulkii 5-aad ee soo dhameystira Doorashada Aqalka Hoose.

Maamulada Jubbland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa horey u soo gaba gabeeyay Doorashooyinkii Aqalka Hoose, oo socday mudo ka badan bil.