Bakool-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in caawa Hoobiyeyaal ay lagu weeraray gudaha Degmadaasi.
Hoobiyeyaashan oo tiradooda ay gaareyso ilaa 5 xabo ayaa Shabaabka waxa ay ku garaaceen fariisin Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin Degmadaaasi.
Gaashaan Dhexe Maxamec Xasan Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay Shabaabka in ay tiro madaafiic ah ku soo tuureen fariisin Ciidanka ay degan yihiin, sidoo kalena Ciidanka Itoobiya ay jawaab ka bixiyeen Hoobiyeyaasha la soo tuuray.
Taliye Maxamec Xasan Cali ma uusan sheegin hadii ay jiraan khasaare soo gaaray Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Waxa uu sheegay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya in ay caawa wadaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab, sidoo kalena Ciidanka ay u diyaar garoobeen sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada mararka qaar ka yimaada Shabaab.


