Jalalaqsi-RisaalaFM- Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidoow ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu ku dhaawacmay weerar Shabaabka ay ku soo qaadeen Gaari uu la socday.
Gaariga Gudoomiyaha uu la socday ayaa waxa uu ka soo ambabaxay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana uu ku sii jeeday Gobolka Hiiraan.
Dagaalyahano ka tirsan Shabab ayaa wadada u galay Gaariga uu la socday Gudoomiyaha, waxaana halkaasi ku dhexmaray iska hor imaad kooban.
Maxamed Cabdulle Fiidoow Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in been abuur ay yihiin in weerarkaasi uu ku dhaawacmay, balse waxa uu sheegay Labo ka mid ah ilaaladiisa in ay ku geeryoodeen.


