Qarax ay Carruur ku dhimatay oo ka dhacay Gaalkacyo

Sida ay inoo xaqiijiyeen shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo hal cunug ayaa dhintay labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii ay miino kula qaraxday Caruur Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Caruurta ayaa la sheegay in ay Garaaceen Miinada ka dib ay la Qaraxday ,mid ka mid ah dhawacyada ayaa xaaladiisa Caafimaad laga deyrinaaya ,halka mid kalena uu soo gaaray dhaawac fudud.

Da,da Caruurta oo ahayd 15 Jir 10 Jir iyo 9 Jir ayaa qaarkamid ah ay calooshu kasoo dhacday .

Inta badan Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa yaalla Miinooyin aad u farabadan, waxaana  ay waxyeelo kasoo gaartaa  caruurta marka ay garaacaan.