Dagaal xoogan oo ka socda degaanka Dumaaye iyo Galmudug oo ku biirtay

Wararka Naga kasoo gaaraya degaanka Dumaaye oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in dagaalkii halkaasi ka socday uu sii xoogestay ,islamarkaana ay ku biireen gurmadyo kala soo kala tagay Magaalooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo Hobyo.

Ciidamada ka tirsan maamulka Galmudug oo aad u hubeysan ayaa ku biiray dagaalka , waxaana la sheegaya in uu hada socdo dagaal xoogan.

Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka maamulka Galmudug ay ku biireen dagaalka ka socda degaanka Dumaaye ee u dhaxeeya Al-Shabaab iyo sidoo kale dadka degaanka , waxaana uu sheegay in ay dileen in kabadan 26 shabaab ah.

maalmihii lasoo dhaafay ayaa dagaal xoogan oo u dhaxeeya dadka degaanka iyo sidoo kale Al-Shabaab , waxaa uu ka socday degaanka Dumaaye ee hoos taga degmada Xarardheere.