Barcelona ayaa u gudubtay wareega knockout Champions League kadib markii laba gool uu u dhaliyay Lionel Messi ay ku garaaceen kooxda Celtic 2-0.
Kooxda reer Spain ayaa hogaanka u qabatay Group C, iyadoo hal kulan u harsan yahay, waxaana ay kaga mahadcelineysaa guushaa Messi, oo xanuun ku seegay kulankii Horyaalka ee ay kooxdiisa barbaraha goolal la’aanta la gashay Malaga todobaadkaan.
Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa ku riday shabaqa goolka koowaad ee Barcelona daqiiqadii 24 daqiiqo, ka hor inta uusan goolka labaad oo rigoore ahaa dhalin 10 daqiiqo kadib qeybtii labaad ee ciyaarta.
Dhinaca kale isku kulankii kale ee groupkaan Manchester City ayaa usoo baxday wareega 16ka Champions League ka dib markii barbaro 1-1 ah la galeen kooxda Borussia Monchengladbach.
goolasha labada dhinac ayaa yimid qeybtii hore ee ciyaarta, iyadoo Raffael hogaanka uu u dhiibay kooxda martida loo ahaa daqiiqadii 24aad ka hor inta uusan rigoore kusoo barbareyn David Silva dhamaadka qeynta hore.
Labada dhinac ayaa sidoo kale min 10 nin ku dhameystay, iyadoo kabtan Gladbach Lars Stindl casaan loo taagay halka Fernandinho laga saaray ciyaarta 12 daqiiqo ka dib iyadoo labada ciyaaryahan ay qaateen jaalahoodii labaad ee kulanka.
Barbarahaan ayaa ku filnaaday kooxda Man City oo iska xaadirisay wareega isreeb-reebka ,iyadoo Barcelona kaalinta koowaad ee Group C ay kusoo baxday.


