Muqdisho-RisaalaFM- Waa Boqolaal dadweyne ah oo Maanta barqadii isugu soo baxay dukashada Salaad roobdoon ah oo lagu tukaday barxada Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho.
Dukashada Salaada roobdoonka ah ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed, Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada diinta iyo Awqaafta, Maamulka gobolka Banaadir Arday iyo Macalimiin ka socday dugsiyada Qur’aanka Kariimka ee Muqdisho.
Salaada markii la dukaday ka dib ayaa Waxaa khudbado kookooban ka jeediyay goobta qaar ka mid ah culima’udiinka Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada diinta iyo awqaafta ee Dowladda Soomaaliya.
Sheekh Cali Maxamuud Cali Dheere oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay faa’iidada ay leedahay Salaada roobdoonka ah iyo waxa looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed.
Culimadii ka qeyb gashay tukashada Salaadii roob doonka ahayd ayaa waxa ay Alle ugu baryeen shacabka ku nool gobolada Dalka ee abaarta ay saameysay in uu ka samata bixiyo dhibaatooyinka heysta islamarkaana Alle siiyo roob ay ku diirsadaan.



